CIRAAQ OO ERIDAY SAFIRKI SWEDEN.

(SAWIRKA)-TAAGEERAYAASHA MUQTADA ALSADR.

(BAQDAD)-Xukuumadda Ciraaq ayaa u sheegtay Safiirka dalka Sweden u fadhiya caasimadda Baqdaad inuu isaga baxao ciida dalka Ciraaq ka dib markii ey weerareen boqolaal qofood oo taageerayaal u ah wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-sadr aroornimadii maanta oo Khamiis ah(20/7/23)-ka saacada Ciraaq markeey ahayd 1:00-da Subaxnimo. Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Al-sudani ayaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Ciraaq faray in hawlwadeenada safaarada Ciraaq ee caasimadda Stockholm in laga soo saaro dalka Sweden sida ugu dhaqsiyaha badan. Wararka ka imaanaayo dalka Sweden ayaa sheegaayo in ninkii gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah Salwaan Mumika inuu maanta gubi doono Kitaabka Quraanka Kariimka ah,Calanka dalka Ciraaq iyo sawirka wadaadka hogaamiyo Shiicadda Ciraaq Muqtada Al-sadr,waxa uuna ku hor gubi doonaa sida la sheegay wejiga hore ee safaaradda Ciraaq.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SARKAAL KA TIRSAN WFP OO LAGU DILAY YEMAN.

Next
Next

HAYADDA HRW OO KA HADASHAY…