SALDHIG BOOLIS OO LA WEERARAY DALKA IRAAN.

RABSHADAHA KA SOCDO IRAAN.

(TEHRAN)-Tan iyo markii eey Mohsa Amini ku dhimatay gacanta ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano ciidamada Anshaxa todaabd ka hor waxaa dalka Iraan ka dilaacay mudaaharaadyo lagu diidan yahay dilkaas loogana soo horjeedo xukuumadda Iraan,hadaba shalay oo Jimca ahayd waxaa la weeraray saldhig boolis oo ku yaalo koonfur-bari ee dalkaasi Iraan weerarka saldhiga ayaa waxaa gaystay koox lagu sheegay ineey yihiin gooni u goosato. Weerarka lagu qaaday saldhiga ayaa waxaa ku dhinta dad gaarayo ilaa 19-qofood eeyna ku jiraan afar sarkaal oo tirsan ciidamadda ilaaladda kacaanka ee dalkaasi Iraan,sidaas waxaa faafisay wakaaladda wararka u faafiso dalkaasi Iraan ee IRNA maanta oo Sabti ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MUDAAHARAAD KA DHACAY BAQDAAD.

Next
Next

DALKA KUWAIT OO YEESHAY BAARLAMAAN CUSUB.