DALKA KUWAIT OO YEESHAY BAARLAMAAN CUSUB.

GOLAHA SHACABKA KUWAIT.

(KUWAIT)-Kooxda Mucaaradka dalka kuwait ayaa xaqiiqsaday ineey ugu dhawaan heleen 60% kuraasta baarlamaanka dalkaasi Kuwait kaaso ka kooban 50-kursi sida lagu sheegay natiijada kama dambaysa ah ee la soo saaray maanta oo Jimca ah. Natiijada cod bixinta doorashada baarlamaanka dalka Kuwait ee la soo saaray ayaa 23-xildhibaan kaliyah ayaa dib u hantay kuraastoodii eey horay ugu fadhiyeen halka 27-kursi eey yihiin xildhibaano cusub sida eey sheegtay wakaaladda warar u faafiso dalkaasi kuwait ee KUNA. Baarlamaanka kuwait ayaa ka kooban 50-kursi waxaane u tartamay murashaxiin dhan 305-murashrax eeyna ka mid yihiin 22-dumar ah,xildhibaanadda ka soo jeedo Shiicadda dalka Kuwait ee laga tirada badan yahay oo horay u haystay 6-kursi ayaa hadda helay 9-kursi oo waxaa u korortay seddex kursi,xildhibaanadaan Shiicada ah ee ku biiray baarlamaanka Kuwait ayaa laba ka mida waxa eey ku jiraan xabsi lamana oga sida uu noqon doono go’aanka xukuumadda Kuwait ka qaaadan doonto kuraasta eey ku guulaysteen.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SALDHIG BOOLIS OO LA WEERARAY DALKA IRAAN.

Next
Next

SARKAAL SARE OO LAGU DILAYA QARAX…