SAFAARADDA ISRA’IIL EE NEW DELHI OO QARAX LALA BEEGSADAY.
(SAWIRKA)-IRIDA HORE EE SAFAARADDA ISRAEL EE NEW DELHI-INDIA.
(NEW DELHI)-Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay iney baarayaan wararka sheegaayo in Qarax uu ka dhacay meel u dhaw Dhismaha Safaaradda Isra’iil ee caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi maanta oo Talaada ah. Booliska caasimadda Delhi iyo baarayaal kale ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay ka dib markii la gaarsiiyey in halkaasi laga maqlaym Qarax xoogan,waxaane hadda baaritaan uu ku socdaa goobta. Wasaaradda Arrimaha dibadda Isra’iil ayaa sheegtay inaan si rasmi ah loo ogayn sababta ka dambaysa Qaraxaan ka dhacay goob u dhaw Safaaradda Isra’iil ee Delhi,waxaane saraakiisha amaanka ee Israiil kuna sugan safaaradda gudaheeda bilaabeen iney la shaqeeyaan saraakiisha maxaliga ah ee Hiniya si loo baaro dhacdadaan,mana jirto cid wax ku noqotay qaraxii maanta dhacay. Qaraxaan ayaa ku soo beegmaaayo waqti ey caalamka ka jirto Carro loo qaaday Isra’iil oo muddo dhan 81-maalmood weerar dhinaca cirka iyo dhulka ah ku hayso Marinka Gaza,weeradaan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 21-kun qofood eyna ka mid yihiin (8)-kun Caruur ah iyo (6,200)-Dumar ah,waxaane ku dhaawacmay in ka badan 60-kun qofood oo kale,waxaane nolol iyo geeri lagu la’ayahay dad gaarayo iaa 7-kun qofood.
ISHA/AA.