MARAYKANKA OO SOO RIDAY DRONES XUTIYIINTU LEEYHIIN.
(SAWIRKA)-MARAAKIIBTA MARAYSA BAAB AL-MANDAB.
(YEMAN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in ciidamadda Maraykanka ee ku sugan biyaha Bariga Dhexe ey bururiyeen diyaaradaha aan duuliyaha wedin iyo gantaalo ey soo rideen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto dawladda Iraan,weerar sacado qaatay oo Talaadii shalay ka dhacay biyaha Badda Cas,sidaas waxaa sheegay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. Weerarada kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman oo sii kordhaayey todobaadyadii la soo dhaafay ayaa hakad geliyey socodka Maraakiibta caalamiga ah ee marta biyaha Badda Cas,waxayne arrintaasi keentay in dalka Maraykanka uu sare u qaado joogitaaniisa Gobolka bariga dhexe.
ISHA/AXIOS.