QAXOOTIGA SURIYA EE JOOGO LIBAN OO…
SAWIR GOOBAHA EY DEGAN YIHIIN QAXOOTIGA SUURIYA EE DALKA LIBNAN.
(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxa uu ka mid yahay dalalka martigeliyo Qaxootiga reer Suuriya tobankii sano ee ugu dambaysay,Libnaan ayaa waxaa haysato dhibaato dhaqaale oo aad u ba’an waxaane hadda maxkamad suge ah Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka Libnan kaaso loo haysto inuu wax isdaba mariyey. Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Libnan ayaa sheegay maanta oo Jimca ah(27/5/23)-ka in la hakiyey lacagtii gaca saarka ahayd ee lagu kaalmaynayey Qaxootiga reer Suriya kana koobneed Liiraha Libnaan iyo Doolarka Maraykanka ilaa bisha dambe ka dib markii uu codsi ka yimid Reysal Wasaaraha dalka Libnan Najiib Miiqaati,arrintaan ayaa ku soo hagaagayso waqti Qaxootiga Suriya dib loogu tarxiilaayo dalkoodii hooyo ee Suriya.
ISHA WARKA ARABIC.