IMAARAATKA OO XIRTAY DAD REER ISRAEL AH.

SAWIRKA SIDEED NIN OO ISRAEL AH OO LAGU XIRAY UAE.

(DUBAI)-Dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ka mid yahay dalalka xiriirka la sameystay Israel waxaane sii xoogaystay is dhexgalka labada dal hadey ahaan lahayd dhinaca dalxiisla iyo ganacsiga.Cabdulkhaaliq Cabdallah waa aqoonyahan reer Imaaraat ah ayaa maanta oo Jimca ah(27/5/23)-ka waxa uu ka hadlay arrin ku saabsan dad reer Israel ah oo lagu xiray magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta,dadkaan la xiray ayaa waxa ey gaysteen dil waxa eyna magaaladda Dubai ku dileen nin kale oo reer Israel ah eyna kala dhexeysay colaad gudaha Isarel. Raga dilka gaystay oo ahaay sideed nin oo reer Israel ah ayaa waxaa soo xiray ciidamadda booliska magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka,Aqoonyahan Cabdulkhaaliq ayaa yiri”Dalka Imaaraatka waa dal nabad ah uuna sugan yahay amnigiisa 24-saac,mawaadiniinta reer Imaaraat iyo dadka deganba waxa ey dareemayaan nabad joogta ah’.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

QAXOOTIGA SURIYA EE JOOGO LIBAN OO…

Next
Next

DOON 500-QOFOOD SIDAY OO LA LA’AYAHAY.