QARAX KA DHACAY AFGAANISTAAN.
AMBULANCE.
(KABUL)-Waxaa laga cabsi qabaa ineey dhinteen amaba eey dhaawacmeen dad fara badan ka dib markii Qarax aad u xoog badan uu ka dhacay gudaha Masaajid waqti la dukanaayey Salaada caasimadda Kabul ee dalka Afgaanistaan maanta oo Arbaca ah.Booliska Afgaanistaan ayaa sheegay ineey jirto khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah balse boolisku ma uusan sheegin tirada dhimatay ama inta dhaawacantay. Sarkaal sare kana tirsan hayadaha amniga ee Talibaan lana hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay ineey suuragal tahay ineey dhinteen ama eey dhaawacmeen dad gaarayo 35-qofood,waane eey dhici kartaa ayuu yiri sarkaalkaasi in tirada intaas ka badan tahay,war aan la xaqiijin lagana soo xigtay Tv-ga Al-Jazeera ayaa sheegaayo in dhimashadu dhan tahay 20-qofood ilaa hadda.
ISHA WARKA DS.