GABDHO LA AFDUBAY OO DIB UGU SOO…
CAALIYA, SUCAAD IYO AYEEYADOOD.
(CIRAAQ)-Dalka Ciraaq waa halka looga dhawaaqay kooxda la baxday Daacish/ISIS ka dibne u gudubtay dalka Suuriya,kooxdaan ayaa si sahlan isugu fidsay xuduudka dalalka Ciraaq iyo Suuriya mudo gaaban waxa eeyna soo jiiteen dhallinyaro aan waxba ka garanayn Diinta kuna kala sugan adduunka dacaladiisa. Laba Gabdhood oo reer Ciraaq ah kana soo jeedo dadka laga tirada badan yahay ee EZIDI ayey kooxda Daacish/ISIS waxa eey ka afduubeen magaaladda Musol ee dalka Ciraaq sannadkii 2014-kii gebdhaha ayaa sheegay in noloshooda ahayd mid ku sugneed jahwareer maalin kasta. Gabdhaha la afduubtay ayaa la kala yiraahdaa Caaliya Bersest Naa’if iyo Sucaad Berekat Na’if waxaane gabdhahaan laga afduubtay degmada Sinjar waxaane afduubtay Daacish/ISIS kuwaaso dilay labada aabe ee gebdhahaan, aabayaasha labada gebdhood ayaa wada dhashay oo gebdhuhu waa ilma adeer oo hadda waxa eey la nool yihiin ayeeyadood oo 70-jir ah kuna sugan xero qaxooti oo ku taalo gobolka Duhok ee dalka Ciraaq.
ISHA WARKA AA.