QADAR OO LAGU EEDEYEY INEY DHAQAALO SIISO DAACISH.

(USA)-Dalka Qadar oo ah furaha saaxibadda dalka Maraykanka ku leeyahay Gacanka Carbeed ayaa wajahayso kor u kicidd in Qadar ku lug leedahay iney dhaqaale ku taageerto aragagixisada isla markaasne xiriir fican la leedahay,arrintaan ayaa timid ka dib markii ehelka wariye Maraykan ah oo la dilay iyo baaritaano kala duwan eey sameeyeen baarayaal federaal ah ayaa sheegay in qoyska xukuma dalka Qadar qeyb ka yihiin arrintaan taakulaynta aragagixisada. Qoyska wariye Steven Sotloff ayaa dacwad lid ku ah dalka Qadar u gudbiyey maxkamad federaali ah,waxa uuna qoyska Steven ku eedeyey dalka Qadar ineey xiriir la leedahay aragagixisada siisana dhaqaale,qoyska Steven ayaa xusay kooxda DAACISH sheegayne in dalka Qadar siiyey lacag dhan sideed boqol oo kun oo doolar($800,000) lacagtaas ayaa u gacan gashay garsoorihii amray in la dilo Steven Sotloff iyo James Foley oo labaduba ah Maraykan.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

NIN CIRAAQI AH OO MINDI DAD KU WEERARAY.

Next
Next

MADAXWEYNIHII IMAARAATKA OO GEERIYOODAY.