NIN CIRAAQI AH OO MINDI DAD KU WEERARAY.
(BERLIN)-Askeri boolis ah oo aan shaqeyneyn iyo laba qofood oo rakaab ah ayaa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday Mindi oo ka dhex dhacay Tariin ka shaqeeyo gobolka Herzogenrath ee dalkaas Jarmalka maanta oo Jimaca ah(13/5/22)-ka,weerarka ayaa waxaa geestay sida la sheegay nin u dhashay dalka Ciraaq oo 31-jir ah,ninka geestay weerar oo qabteen ciidamadda booliska ee goblkaas ayaa waxaa hadda ku socdo baaritaan la xiriiro inuu ka tirsan yahay kooxaha xagjirka ah. Ninkaan Ciraaqiga ah ayaa ku nool xarun lagu haayo dadka Qaxootiga ah tan iyo sannadkii 2017-kii,war uu booliska saaray ayaa lagu sheegay in aan weli aqoon sababta keentay in ninkaan geesto werarkaan.
XIGASHO AP.