NIN KU GEERIYODAY XABSI KU…
MADAXWEYNAHA IMAARAATKA CARABTA.
(BEIRUT)-Nin reer Libnaan ah kuna xirnaay xabsi ku yaalo dalka Imaaraatka Carabta una xirnaay sabab aan la aqoonin ayaa ku dhex geeriyooday xabsigii uu ku xirnaay sida ey sheegeen qoyska uu ka dhashay ninka geeiyooday iyo koox u dooda xuquuqda dadka shalay oo Jimca ahad. Dhacaddaan ayaa kor u qaadeyso su’aalaha ku saabsan in ninkaan reer Libnaan uu u geeriyooday dayacaad ey dayacday dawladda Imaaraatka Carabta. Gudi ey xubno ka yihiin qoyska ninka geeriyooday ee ku xirnaay xabsi ku yaalo Imaaraatka Carabta Gazi Cizadiin oo 55-jir ah ayaa rumaysan in Gazi u geeriyoday jirdil loogu gaystay xabsiga gudihiisa.
ISHA WARKA AP.