HUMAN RIGHTS WATCH OO KA…
SAWIRKA KHALAF CABDURAXMAN AL-RUMAITHI.
(JORDAN)-Intii akhrisay qoraalkii shalay aan idiin soo gudbinay kuna saabsanay nin ka mida Mucaaradka dalka Imaaraatka Carabta haystana dhalashada dalka Turkiga laguna xukumay 15-sano oo xabsi ah isaga oo ka maqan dalka Imaaraatka Carabta,Khalaf Cabduraxman Rumaithi oo 56-jir ah ayey ciidmada Urdun ka qabteen garoonka caalmiga ah ee Camaan,ka dib damaanad ayaa Rumaithi lagu soo daayey bil ka dibne Rumaithi xabsiga ayaa lagu celiyey waxaan hadda la xaqiijiyey in loo gacan geliyey dalka Imaaraatka Carabta. Arrintaan Al-Rumaithi ayaa shalay oo Jimca ahayd waxaa ka hadlay hayadda u dooda xuquuqul insaanka ee HUMAN RIGHTS WATCH(HRW),Rumaithi ayaa lag yaabaa inuu mutaysto ciqaab aad u adag waayo waxa uu mucaarad adag ku ahaay xukuumadda uu hogaamiyo Maxamed Bin Zayid Al-Nahyaan.
ISHA WARKA MEE.