NASHWAAN AL-XADAAD OO U XIRAN XUKUUMADA YEMAN.

(SAWIRKA)-NASHWAAN AL-XADAAD.

(YEMAN)-Marka laga hadlaayo dalka Yeman waxaa mudan inaan is xusuusino in dalkaasi ey ka jiraan seddex kooxood oo kala fikir duwan balse ka wada hawgala hal dal(Yeman),sharci la’aanta waa mida u sabab ah in shacabka loo gaysto dhibaatooyin fara badan eyna ka mid tahay in laga qaado xuriyadooda shaqsiga ah,waxaa la xiraa dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada(Facebook,X,) IWM,hadaba Nashwaan AL-Xadaad ayaa xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay u xiran muddo dhan 62-maalmood isaga oo aan la horkeenin wax maxkamada,waxaane Nashawaan loo diiday iney soo booqdaan ehelkiisa,asaxaabtiisa iyo taageerayashii baraha bulshada,Nashwaan ayaa hadda ku xiran xabsi kaligis ah kuna yaalo Gobolka Ma’arib bariga dalka Yeman,xukuumadda Yeman ayaa Nashwaan ku eedeysay inuu faafinaayey cabitaan Khamrada gudaha dalka Yeman.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

1980-KII: ISKU DAY DIL UU KA BADBAADAY COL.QADAAFI.

Next
Next

LIBIYA MA YEELAN DOONTAA DAWLAD MIDEYSAN?