1980-KII: ISKU DAY DIL UU KA BADBAADAY COL.QADAAFI.

(SAWIRKA)-COL.QADAAFI.

(ROME)-Waa wax caadi ka ah adduunka maanta eynu joogo in si qarsoodi ah la isu khaarijiyo gaar ahaan khaarijinta ayaa ah mid u dhexeyso hogaamiyeyaasha siyaasadda caalamka,tusaale ahaan maalmihii la soo dhaafay waxaa si sahlan looga takhalusay hogaamiyihii calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner,laakinse tan aan rabo inaan idinla wadaago ayaa ka gedisan mida Wagner oo waxa ey ku saabsan tahay hogaamiye Mucamar AL-Qadaafi hogaamiyihii dalka Libiya. Sida uu sheegay Reysal Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Juliyan Amato mar uu bixinaayey waraysi la soo daabacay shalay oo Sabti ahayd(2/9/23)-ka,gentaal si khaldan ey u soo rideen ciidmaadda cirka ee dalka Faransiiska ayaa dhulka soo dhigay diyaarad ey saarnaayeen dad shacab ah taaso dul maraysay badda dhexe sannadkii 1980-kii,soo ridida diyaaradda ayaa ahayd isku day fashilmay oo la rabay in lagu khaarijiyo hogaamiyihii geeriyooday ee dalka Libiya Col.Mucamar AL-Qadaafi sida ey xustay Wakaaladda Wararka ee ‘ASSOCIATED PRESS” ee laga leeyahay dalka Maraykanka shalay oo Sabti ahayd(2/9/23)-ka. Diyaaradda ayaa la soo riday 26/6/80-kii waxaane ku dhinty dhammaan dadkii saarnaay oo dhamaay 81-qofood.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ISRAEL OO KA CAROOTAY UNESCO SABABTA?

Next
Next

NASHWAAN AL-XADAAD OO U XIRAN XUKUUMADA YEMAN.