MUSHAAR KORDHIN LOO SAMEYEY HAYADDA NISA.
AGAASIME MAHAD MAXAMED SALAAD.
(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka ka soo kabanaayo dagaaladii sokeeye ee ka dhacay waxa uuna la daalaa dhacayaa amni dari aad u baahsan oo gaartay heerkeedi ugu xumaay waqtiyadaan dambe,ayadoo aan weli dalka loo dhisin dawlad bedesha tii hore ee uu dhammaaday waqtigeeda ahne xil gaarsiin. Bishii Meey-15-22-ka waxaa Soomaaliya madaxweyne loo doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii uu ka adkaaday madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmajo,Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si aad ula socday heerka amni ee dalka gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho ayaa 26/5/22-ka waxa uu magacaabay Agaasimaha Hayadda NISA waxa uuna xilkaas u magacaabay Ex-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad laguna tiro inuu yahay gacanta midig ee Madaxweynaha. Agaasime Mahad Salaad oo bilaabay inuu dib u habeeyo Hayadda NISA ayaa qaaday talaabadiisi ugu horeysay waxa uuna dhammaan dalbaday Gaadiidka Hayadda NISA leedahay eeyna isticmaalaan hayado kale amaba shaqsiyaad siyaasiyiin kana tirsan xukuumadda federaalka,waxaane Agaasime Mahad Salaad u suurtagashay inuu hayada dib ugu soo celiyo gaadiidkii eey leheed kuna jiray gacan dad kale.Talaabadii xigtay uu qaaday Agaasime Mahad Salaad inta uu ku guda jiray dib u habaynta hayada NISA ayaa ahayd inuu tira koob ku sameeyo saraakiish,saraakiil xigeenada,dableyda iyo shaqaalaha rayidka ah kana hawlgalo hayada NISA,waxaane halkaan uga soo baxday Agaasime Mahad Salaad ineey jiraan dad fara badan oo mushaar ka qaata hayada NISA balse aan ka tirsaneyn una liis gareysan hayado kale oo federaal ah,dadkaas qaarkoodna waxa eey degaaneeyn Hotelo waxa eeyna borobogando u sameeyn jireen xukuumadii Farmajo kana amaani jireen baraha bushada sida Facebook,Twitter,Youtube iyo Instagram-ka,dhammaan lacagihii dadkaan lagu bixin jiray markii meel la isugu keenay ayaa Agaasime Mahad Salaad waxaa u soo baxday inuu sameyn karo MUSHAAR KORDHIN guud oo hayada NISA ah,waxa uuna mushaar kordhinta u sameeyey sidan:
(1)-Darajadda Gaashaanle waxa uu mushaarkiisa ahaay $400 bishiiba,haddana waxaa looga dhigay $500 bishiiba.
(2)-Jaamici waxa uu mushaakiisa ahaay $300 bishiiba,haddana waxaa looga dhigay $350 bishiiba.
(3)-Shaqaalaha wata Shahaadada Dugsiga Sare waxa uu muhsaarkiisu ahaay $200 bishiiba haddana waxaa looga dhigay $300 bishiiba.
(4)-Mudane ama shaqaalaha kale ee aan haysan wax shahaado ah mushaarkooda waxa uu ahaay $150 bishiiba haddana waxaa looga dhigay $200 bishiiba.
(5)-Darajadda Dable waxa uu mushaarkiisa ahaay $150 bishiiba hadda waxaa looga dhigay $200 bishiiba. Sidoo kale Agaasime Mahad Salaad ayaa go’aamiyey in askarta iyo saraakisha geeriyoota in qoysaskooda eey xuquuq ka heli doonaan dawladda federaalka Soomaaliyeed,waxaa kaloo ayana xusid mudan in Agaasime Mahad Salaad dib u bilaabay bixinta Saadka la siiyo hayadda NISA kaaso horay eeysan u heli jiran dhammaan inta ka hawlgasha hayadda NISA.
ISHA WARKA SBMEDIA-SOMALIA.