DHISMAHA BAARLAMAANKA CIRAAQ OO….
AARLAMAANKA CIRAAQ IYO SHALAY SIDUU AHAAY.
(BAQDAAD)-Boqolaal banaanbaxayaal reer Ciraaq ah ayaa jabsaday xoogna ku galay dhismaha baarlamaanka dalkaasi Ciraaq maalintii shalay oo Arbaca ahayd,dadka galay dhismaha baarlamaanka ayaa ku heesaayey heeso lid ku ah dalka Iraan laguna nacaladaayey banaabaxayaasha ka soo horjeedo magacaabidda Reysal Wasaaraha cusub ee ka socdo xisbiga eey gadaal ka taagan tahay dawladda Iraan ee uu hogaamiyo hogaamiye diimeedka Muqtada Al-sadri. Intooda badan banaanbaxayaasha ayaa ah taageerayaasha hogaamiye diimeedka leh saameen aad u balaaran Muqtada Al-Sadri,banaanbaxayaasha ayaa wada ahaay Rag lana arkaayey ayagoo ku kor soconaayo miisadaha golaha baarlamaanka,tuur tuuraayo galalkii,kuna fariisanaayo kuraastii xildhibaanada,isla markaasne lulaayey calanka dalka Ciraaq.Arrintaan dhacday shalay waxa eey kor u qaadeysaa dagaalka u dhexeeyo saamileeyda siyaasadeed ee dalka Ciraaq kuwaaso dhibaatadooda eey soo jiitamaysay muddo dhan toban bilood ka dib markii eey dhacday doorashadii heer Federaal,garbahaan is haayo ayaa wada ah Shiicadda dalka Ciraaq waxaane kala hogaaminaayo Reysal Wasaarihii hore ee dalkaasi Ciraaq Nuur Al-Maaliki iyo wadaadka Muqtada Al-sadri oo xisbigiisu isaga baxay baarlamaanka dalka Ciraaq bil ka hor.
ISHA WARKA AP.