MAXKAMADA DASTUURIGA AH EE KUWAIT OO…
WADAMADDA GACAKA KHALIIJKA.
(KUWAIT)-Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka Kuwait ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay Natiijadii ka soo baxday Doorashadii Baarlamaanka Kuwait ee dhacday sannadkii tegay 2022-ka,Waxaane hawshiisii dib ugu soo laabanaayo baarlamaankii hore ee la doortay sannadkii 2020-kii. Go’aanka Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka Kuwait ayaa waxaa faafisay Wakaaladda Wararka dalka Kuwait ee KUNA ka dib markii ey dalka Kuwait ey ka dheceen jahwareeryo fara badan oo dhinaca siyaasadda ah kuwaaso sababay ineey is casisho xukuuaddii Kuwait dibna loo soo dhiso xukuumad kale uu hogaaminaayo isla Reysal Wasaarihii hore.
ISHA WARKA AP.