BASHAAR ASAD OO TEGAY UAE.
BASHAAR IYO BIN ZAYID.
(BEIRUT)-Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar Asad ayaa gaaray dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) maanta oo Axad ah,waa booqashadiisi ugu horeysay uu Madaxweyne Asad ku tago dalka Imaaraatka tan iyo markii uu kacdoonka ka bilawday wadamadda Carabta qaarkood sannadkii 2011-kii. Dhinaca kale, MW-Asad ayey booqashadan noqonaysaa tiisii ugu horeysay uu ku tago dalka Imaaraatka Carabta tan iyo markii uu dhacay dhulgariirkii ku dhuftay wadamadda Turkiga iyo Suuriya,dhulgariirkaas ayaa waxaa ku geeriyooday dad fara badan oo Suuriyiin ah waxaane ku gurya beelay kuwa kale. MW-Asad iyo xaaskiisa Asma eyna wehliyaan wafdi heer sare ah kana tirsan xukuumadda Suuriya ee soo gaaray Imaaraatka ayaa casuumad ka helay Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayid Al-Nehyan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Asad.
ISHA WARKA AP.