MAXKAMADA CADAALADDA ADDUUNKA OO KU DHEGAN ISRA’IIL.

(SAWIRKA)MAXKAMADA CADAALADDA ADDUUNKA(ICJ).

(HAGUE)-Kalfadhigii shanaad ee Maxakamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) oo ah Maxkamadda ugu sareeyso Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Jimca ah sii wada dhegaysiga cawaaqibka sharci ee ka dhalan kara qabsashada Isra’iil ee dhula reer Falastiin. Lix fadhi oo xiriir ah ayey qaban doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda marka laga soo bilaabo Isniintii hore kuna beegneed 19/2/24-ka ilaa Isniinta soo socoto kuna beegan 26/2/24-ka,waxayna dawlad kasta ey bixin doonaa faragelin dhinaca afka ah taaso soconaysa waqti dhan sodon daqiiqo,waxaane dawladaha laga dhegaysan doonaa aragtidooda ku aadan hanaanka iyo arrimaha muhiimka ah ee soo baxaya,Maxkamada ayaana soo saari doonto ra’ayi la talin ah. Shalay oo Khamiis ahayd wadamadu waxa ey si wadajir u dhaleeceeyeen dawaladda Isra’iil oo dhul ka haysata Falastiin,waxayna qaar badan oo ka mid ah wadamadaasi ku booriyeen Madxkamadda iney sharci darro ku tlmaanto qabsashada dhulka Falastiin ee Isra’iil haysato.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

MASUUL REER CIRAAQ AH OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.

Next
Next

FARANSIISKA OO TARXIILAY IMAAM TUNISIYAAN AH.