FARANSIISKA OO TARXIILAY IMAAM TUNISIYAAN AH.

(SAWIRKA)-MASJID GUDAHIISA.

(PARIS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Faransiiska Gerald Damanin ayaa fiidnimada Khamiista maanta ah(22/2/23)-ka ku dhawaaqay in dalka Faransiiska laga ceyriyey Imaam u dhashay dalka Tuniisiya kaaso loo soo jeediyey eedeymo “Xagjirnima ah iyo sheegidda hadalo leh saameyntooda aane la aqbali karin”. Wasiirka Arrimha Gudaha dalka Faransiiska Gerald Damanin ayaa baloogiisa ku yiri”Imaamka Xagjirka ah Mahjoub Mahjoubi waxaa laga eryey dhulkeyna wax ka yar 12-saacadood ka dib markii la xiray”. Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa codsaday in Imaamka reer Tunis lagala noqdo Sharciga uu ku joogay dalka Faransiiska ama deganaanshaha iyadoo ujeedadu tahay in Imaamka laga saaro dalka Faransiiska waayo Imaamka ayaa bilaabay baaqyo nacayb ah oo ka dhan ah asalka weerarkii uu ku qaaday “calanka seddexda midab leh”sida ey wakaaladda Faransiiska ku warantay maakintii Talaadada ahayd 20/2/24-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

MAXKAMADA CADAALADDA ADDUUNKA OO KU DHEGAN ISRA’IIL.

Next
Next

URURKA XIZBULLAHI IYO IRAAN OO ISKU DHACAY.