MASAR OO XAL U RAADINAYSO MUSHKILADA…
(SAWIRKA)-MW-ALSISI.
(QAAHIRA)-Sida uu xaqiijiyey hogaamiyaha dalka Masar C/fataax Al-Sisi,Masar waxa ey oofinaysaa dhawritaanka derisnimda iyo wada hadalada si xal waara looga gaaro mushkilada biya xireenka Itoobiya,waa laba maalin uun ka hor waqtigii uu Madaxweyne Al-sisi ku baaqay in arrinta biya xireenka loo helo xal dhexdhexaad ah. Xal u helidda arrinta biya xireen ayaan ilaa hadda loo helin wax xal ah ey kuwada qanacsan yihiin dawladaha Masar,Sudaan iyo Itoobiya ee uu wada khuseeyo biya xireenka. Madaxweynaha dalka Masar Al-sisi ayaa hadda waxaa booqasho uga bilaabatay wadamada Afrika qaarkood waxa uuna hadda booqasho ku joogaa dalka Angola waxa eyna Al-Sisi iyo dhigiisa wada qabteen shir jaraa’id.
ISHA WARKA ARABIC.