BENZIMA OO KA HADLAY SABABTA UU U DOORTAY…
(SAWIRKA)-BENZIMA OO LAGU SOO DHAWEYEY SACUUDIGA.
(RIYAD)-Xidiga caalamaiga ah ee reer Faransa ee asalkiisu yahay Aljeeriya BenZima ee dhawaan ku soo biiray Naadiga kubadd cagta ee Al-itixaad ee ka dhisan magaala xeebeedka Jidda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay mar waraysi lala yeeshay gudaha dalka Sacuudiga in sababta uu u doortay inuu ku soo biiro Naadiga Al-itixaad ey tahay in dalka Sacuudiga uu uga soo horeeyey saaxibkiisa ey u wada cayaari jireen Naadiga Real Madrid ee dalka Spain Cristiano Ronaldo. Cayaaryaha Bebzima ayaa heshiis waxa uu la galay Naadiga kubadda cagta ee Al-itixaad waxa uuna Benzima u safan doonaa Al-Itixaad muddo hal sano ah(2025/2026),mar uu Benzima ka hadlaayey waxa uu u doortay inuu ka ciyaaro dalka Sacuudiga ayuu sheegay”Inuu yahay Muslim,dalka Sacuudiga yahay dal Muslim ah,waxa aane rabaa inaan halkaan ku noolaado”
ISHA WARKA ARABIC.