MASAR IYO ISRAA’IIL OO SHIR UGA FURMAY QAAHIRA.
(SAWIRKA)-AGAASIMEYAASHA SIRDOONKA ISRAA’IIL.
(WASHINGTON)-Wada hadaladda ku saabsan la haystayaasha Marinka Gaza iyo heshiiska Xabad Joojinta ayaa hadda galay hakad ka dib markii wada hadallo u dhexeeyo wafdi sare oo Israa’iil ah iyo masuuliyiin Masaari ah uu Sabtida maanta ah magaaladda Qaahira ey ku wada kulmeen,waxaane suurtagal ah iney fog tahay in la gaaro heshiis iyadoo ey jiraan dalabaad cusub uu wato Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netanyahu,sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal oo Israa’iil ah. Kulanka maanta ka dhacay ee dhexmaray Israa’iil iyo Masar ayaa u dhacay cadaadis xoogan oo Maraykanku saaray dawladaha Masar iyo Israa’iil seddex maalmood ka dib markii Israa’iil ey Tehran ku dishay Hogaamiyihii Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah. Wafdi heer sare ah oo ka socda Israa’iil oo ey Hogaaminayaan Agaasimeyaasha Hayadaha Sirdoonka ee Mossad iyo Shin Bet ayaa booqasho ku tegay magaaladda Qaahira ee dalka Masar maanta oo Sabti ah si ey wada hadallo ula yeeshaan Madaxda sare ee dalka Masar iyo in xal loo helo sidii loo sii deyn lahaay la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas iyo sidii loo joojin lahaay dagaalka Marinka Gaza. Saraakiisha Israa’iil iyo qoysaska la haystayaasha ayaa ka walaacsan Netanyahu oo dhawaan adkeeyey dalabadaadkiisa,soona bandhigay shuruudo cusub lana xiriira la haystaaysha iyo xabad joojinta Marinka Gaza,wafdiga uu diray ayuu Netanyahu ugu talagalay oo kaliyah iney abuuraan muuqaal wada xaajood ah si ey uga yareeyaan cadaadiska qaar ka mid ah Madaxweyne Biden.
ISHA/AXIOS.