GENERAALO MARAYKAN AH OO SOO GAARAY G/BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-GEN.MICHEAL KURILLA.

(AMMAN)-Tan iyo markii magaaladda Tehran ee ah Caasimadda dalka Iraan lagu dilay Madixii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah waxaa soo kordheysay cabsida laga qabo in dalka Iraan uu ka aargoosto Israa’iil taaso lagu tuhmaayo iney iyada ka dambeysay dilkii Ismaaciil Haniyah maalintii Arbacada ee ina soo dhaaftay aroornimadeedii. Waxaa hakad galay dhammaan duulimaadyadii lagu tegi jiray amaba looga imaan jiray Israaa’iil iyo Lubnaan waxaane hoos u dhac weyn laga dareemay dhaqaalaha Israa’iil oo si xun hoos ugu dhacay tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza Bishii Oktoobar Todobadeedii sannadkii 2023-kii. Wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee AXIOS inta badane ka hadla xaaladda Gobolka Bariga Dhexe ayaa maanta oo Axad ah sheegay in Taliyaha Guud ee Maraykanka u qaabilsan Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Gobolka Bariga Dhexe uu gaaray Goblka maalintii shalay oo Sabti ahayd iyadoo uu socdo diyaargaraw loogu jiro weerar ka dhan ah Israa’iil oo ka imaanayo dhinaca Iraan si ey uga aargoosato dilalkii loo gaystay Madaxdii sare ee Xamaas iyo Xizbullaahi,sida ey sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah. Safarka Micheal Kurilla ee Gobolka Bariga Dhexe ayaa ahaa mid la sii qorsheeyey inta eysan arrinta Gobolka cirka isku shareerin,laakin waxaa la filayaa inuu safarkaan u adeegsado isku dayo uu ku abaabulaayo isla xulafadda caalamiga ah iyo kuwa Gobolka ee Israa’iil ka difaacaya weerar kaga yimaado dalka Iraan sida midkii dhacay 13/4/24-ka,sidaas waxaa laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah,seddex sarkaal oo Maraykan iyo Israa’iil ah ayaa iyagana sheegay iney filayaan in Iraan ey weerarto Israa’iil horaanta todobaadka ee ah maalinta Isniinta ee berri ah,dhinaca kale,Hogaamiyeyaasha Ururka Xizbullahi iyo Iraan ayaa awacad ku maray iney ka aargudan doonaan Israa’iil dilkii ey u gaysatay Taliyihii ugu sareeyey Mileteriga Ururka Xizbulaahi Fu’ad Shukri iyo Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.

ISHA/AXISO.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA OO SHEEGTAY INEY SOO RIDEEN…

Next
Next

MASAR IYO ISRAA’IIL OO SHIR UGA FURMAY QAAHIRA.