MARAYKANKA OO SHEEGAY INUU BURBURIYEY…

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(CENTCOM)-Maanta oo Isniin ah kuna beegan 11/3/24-ka,intii u dhexeysay 8:50 Subaxnimo ilaa 12:50-duhurnimo ee waqtiga caasimadda Yeman ee Sanca,kooxda Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan ayaa laba Gentaal oo nuuca balaastikada ah waxa ey ka soo rideen aagaga ey Xuutiyiintu maamulaan ee Badda Cas,Gentaaladda ayaa ku wajhanaay Markabka Ganacsiga ee PINOCCHIO oo laga leeyahay dalka Singabuur sitayne calanka dalka Laybeeriya. Gentaaladda ayaan wax saameyn ah ku yeelan Markabka lala beegsaday mana jiro wax dhaawac ah ama khasara ah oo soo la soo sheegay. Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka ayaa lix weerar oo is difaac ah ku burburiyey Markab aan cidna wedin iyo 18-Gentaal oo kuwa lidka Maraakiibta ah kuna sugnaay dhulka ey Xuutiyiinta Maamulaan ee dalka Yeman. Waxaa la go’aamiyey in hubkan yahay khatar ku soo wajahan Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta ciidamada Badda ee dalka Maraykanka kuna suga Gobolka. Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xuriyadda socodka iyo in biyaha caalamiga ah laga dhigo nabad ey mari karaan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa ciidamadda badda ee dalka Maraykanka.

ISHA/CENTCOM

Previous
Previous

BASHAAR ASAD ADEERKIIS OO LA MAXKAMADEYNAYO.

Next
Next

KHUABRO U DHALATAY IRAAN OO LAGU DHAAWACAY YEMAN.