BASHAAR ASAD ADEERKIIS OO LA MAXKAMADEYNAYO.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA SWITZERLAND.
(ATHENS)-Dalka Switzerland waxaa Maxkamad lagu soo taagi Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar AL-Asad adeerkiis Rifcat AL-Asad,dacwadda loo haysto Rifacat AL-Asad ayaa ah inuu amray dil,jirdil naxariis darra ah iyo inuu si sharci darra ah xabsiyadda dad ugu xiray iyo inuu amray xasuuqii ka dhacay Xama’a sannadkii 1982-dii. Rifcat AL-Asad ayaa horay u soo ahaan jiray Madaxweyne Ku-xigeenka dalka isla markaasne ah taliyaha sare ee ciidamadda dalka Suriya waqtigii uu dalka Suriya ka talinaayey Madaxweynihii Geeriyooday ee dalka Suriya Xaafid AL-Asad oo Aabe u ah Madaxwynaha waqtigaan ee dalka Suriya Bashaar Xaafid AL-Asad. Rifacat AL-Asad ayaa Maxkamadda la horkeeni doonaa isagoo loo haysto dembiyo kala duwan eyna ka mid tahay dembiyo dagaal,sida ey sheegtay Maxkamadda Dembiyadda Federaalka ee dalka Switzerland maanta oo Talaada ah. “Eedaysanaha ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu bixiyey amar dil,jirdil oo naxriis darri ah oo lagula kacay dad shacab ah iyo in xabsiga loo taxaabay dad aan waxba galabsan intuba waxa ey dalka Suriya ka dheceen sannadkii 1982-dii isagoo waqtigaas ahaay taliyaha Guutooyinka Difaaca iyo taliyaha hawlgaladda ee degaanka XAMA’A,iyadoo la eegaayo xaaladda iska horimaadyadda hubaysan iyo weeraradda qorsheysan oo lagu qaaday shacabka XAMA’A”ayey Maxkamadu ku tiri hadal ey soo saartay maanta oo Talaada ah.
ISHA/AA.