MADAXWEYNAHA DALKA MASAR OO SOO GAARAY…

(SAWIRKA)-MW-EL-SISI OO GAARAY KUWEYT.

(KUWAIT)-Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa gelinkii dambe maanta oo Isniin ah gaaray Kuwayt, isagoo lugtii labaad ee booqasho labo dowladood ah ku maraya Gacanka Carabta. Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Amiri ku soo dhaweeyay miirka dalka Kuwayt, Sheikh Meshal AL-Ahmad AL-Jaber Al-Sabah, Wasiirro sare iyo mas’uuliyiin kale. Heesaha calanka labada dal ayaa la tumay, waxaana Madaxweynaha Masar iyo wafdigiisa lagu maamuusay 21 qori oo salaan ah. Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan dhawr arrimood oo khuseeya labada dal, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda, ka dib markii ay saxiixeen 10 heshiisyo is-afgarad ah bishii Sebtembar ee sannadkii hore, kuwaas oo khuseeya Warshadaha, Deegaanka, Dalxiiska, Guriyeynta, Dhismaha, Warbaahinta iyo Qaybaha ciyaaraha, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee dalka Kuwayt. Amiirka Kuwayt ayaa bishii April ee sanadkii hore booqday Masar, waana booqashadiisii ​​ugu horeysay ee uu dalkaasi ku tago, ka dib markii uu xukunka la wareegay bishii December 2023-kii. El-Sisi ayaa uga soo duulay dalka Kuwait, isagoo ka soo kicitimay dalka Qatar, isagoo kala hadlay iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo Amiir Sheikh Tamim bin Hamad AL-Thani. Waxay ku heshiiyeen xirmo maalgashi oo toos ah oo ku kacaya ilaa $7.5 bilyan, ujeedaduna tahay taageeridda iyo xoojinta horumarka dhaqaale ee waara ee labada dal, Wakaaladda Wararka Bariga Dhexe ayaa sheegtay.

ISHA-ARAB NEWS.

Previous
Previous

URDUN OO XABSIGA DHIGTAY 16-QOF OO LOO HAYSTO INEY…

Next
Next

XAMAAS OO WAR KA SOO SAARTAY WADA HADALADA.