MADAXA XAFIISKA SIYAASADDA XAMAAS OO GAARAY…

(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in halkaasi uu soo gaaray maanta oo Arbaca ah Madaxa Xfiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Md.Ismaaciil Haniyah,ujeedka safar Md.Haniyah ayaa lagu sheegay inuu Qaahiro kula kulmo Madaxda reer Masar ah si uu ugala hadlo in dib loo soo nooleeyo Maxaabiis isdhaafsiga u dhexeeyey Xamaas iyo Isra’iil taaso uu galay hakad mudooyinkii ugu dambeeyey,dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee soo bilawday 7/10/23-ka ayaa ilaa hadda waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 20-kun qofood una badan caruur iyo Dumar aan waxba galabsan. Hogaamiyaha Xafiiska Siyaasadda Xamaas Md.Haniyah ayaa ka soo ambabaxay caasimadda dalka Qadar ee Dooxa wax yar ka dib markii uu halkaasi kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iraan Md.Hossein Amir Abdollaian,labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda bani’adanimo ee ka jirta Marinka Gaza waqtigaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE OO BERRI…

Next
Next

AMIIRKA CUSUB EE DALKA KUWEYTOO BERRI LA…