GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE OO BERRI…

(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Cod bixinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa mar kale dib u dhacday Maalintii 3-aad oo isku xigta,Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe ayaa dib u dhigay u codeynta Qaraar ku baaqaayo in la joojiyo colaada ka socoto Marinka Gaza si dadka loo gaarsiiyo Gargaar Bani’adanimo. U codeynta Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee ku baaqaayo in la joojiyo colaada Gaza si dadka loo gaarsiiyo gargaar ayaa dib loo dhigay maanta oo Arbaca ah waane maalinti seddexaad oo xiriir ah oo dib loo dhigaayo. Maalinta Khamiista ee berri ah ayaa la filayaa in 15-ka xubnood ee ka tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe iney u codeyaan Qaraarkaas kaaso markiisii hore dib loo dhigay Isniintii todobaadkan. Qoraal uu soo saaray dalka Imaaraatka Carabta oo hadda xubin ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada si loo helo badqabka hawlaha Bani’adanimo dadkana loo gaarsiiyo waxyaabaha ey u baahan yihiin iyo la qaado talaabooyin deg deg ah oo ku aadan sidii loo heli lahaay xabad joojin waarta.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMAN YAA U BASAASA MARAAKIIBTA?

Next
Next

MADAXA XAFIISKA SIYAASADDA XAMAAS OO GAARAY…