MADAXA NAADIGA PARIS SAINT-GERMAIN OO..
ALKHALIFA, MADAXA NAADIGA PARIS SAINT-GERMAIN.
(SWITZERLAND)-Madaxweynaha naadiga PARIS SAINT-GERMAIN ee dalkaasi Faransiiska Naasir Al-Khaliifa ayaa lagu waayey dembi gudaha dalka Switzerland maanta oo Jimca ah,waane markii labaad oo la qaadayo dacwadaan ku saabsan in Alkhalifa ku lug lahaay arrinta xoghayihii hore ee xiriirka kubada cagta adduunka(FIFA) Jerom Valcke. Alkhalifa ayaa mar kale dhinac isaga riixay eedeymihii loo haystay oo sii xumaynaysay dembiga isaga loo haystay taaso ahayd maamul xumi la ogaaday in Valcke uu isticmaalo guri looga ijaaray Sardinia kaaso Valcke aan laga qaadin wax ijaar(FREE RENT) loona maleeyey in Valcke lagu laaluushay ijaar la’aanta uu ku degay gurigaas. Garsoorayaasha ayaa isku dayey ineey isku xiraan guriga loo ijaaray Valcke iyo arrinta Alkhalifa balse uma eeysan suuragelin waayo guriga uu degay Valcke ayaa waxaa gadatay shirkad laga leeyahay dlkaasi Qadar snnadkii 2013-kii. Alkhalifa ayaa hogaaminaayo warbaahinta bEING MEDIA GROUP taaso hadda heshay in loo cusbooneysiyo xaqa eey u leedahay ineey soo tebiso koobka adduunka ee K/cagta ayadoo kala heshiisay FIFA.
ISHA WARKA AP.