AMIIRKA QADAR OO BOOQAN DOONO…

AMIIRKA DALKA QADAR.

(QADAR)-Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Tani ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu ku wajahan yahay dalkaasi Masar booqashadiisana waa mid hawleed waane markii ugu horeeysay marka laga soo bilaabo sannadkii 2015-kii. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska(Diiwaanka) Amiirka Qadar Altani,Amiirka ayaa ka soo amba bixi doono dalka Rwanda halkaaso uu ku joogay booqasho wuxuuna uga soo gudbi doonaa dalka Masar isagoo casuumad ka helay Madaxweynaha dalka C/fataax Al-siisi. Ilo ku dhaw Madaxweynaha Masar uuna soo xigtay Website-ka Cairo-24 ayaa booqashada Amiirka Qadar Tamiimi ee Masar ku sheegay ineey tahay mid la doonaayo in si buuxda loo wanaajiyo xiriirka ka dhexeeyo labada dalka Masar iyo Qadar,iyo in dalka Qadar fursad loo siiyo inuu maalgashi ku sameeysto dalkaasi Masar. Booqashada Amiirka Qadar Tamiimi ee uu ku tegaayo dalka Masar ayaa imaanayso ka dib markii ninka leh dhaxaltooyada Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu booqday dalkaasi Masar isla markaasne uu sheegay in dalkiisa Sacuudiga maalgashan doono dalka Masar taaso eey ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay $7.7-Milyan oo doolarka maraykanka ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SIIA KHRISO.

Previous
Previous

WIIL U DHASHAY MAROOKO OO..

Next
Next

MADAXA NAADIGA PARIS SAINT-GERMAIN OO..