LIBIYA: AFAR MAXBUUS OO KA TIRSAN XAMAAS OO LA SII DAAYEY.

(SAWIRKA)-MAXAABIISTII XAMAAS EE LAGA SII DAAYEY XABSIYADA DALKA LIBIYA.

(TRIPOLI)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Libiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah kuna beegan 1/12/23-ka in maamulka dalka Libiya uu sii daayey afar Maxbuus oo ka tirsan Xarakada Xamaas ka dib markii ey xirnaayeen muddo dhan todobo sano ah,maamulka Libiya ayaa intaas raaciyey inuu afartaan qofood kana tirsan Xarakada Xamaas uu Musaafuriyey. Dhinaca kale,Madaxii hore ee xukuumadda Gobolka Khalid AL-Mishri ayaa waraysigiisa ugu xaqiijiyey Wargaysska “Arabicpost”in maamulka Tripoli ey sii daayeen maxaabiis Xarakada Xamaas ah kuna xirnaay dalka Libiya subaxnimadii Jimcaha bisha disembar kowdeeda iyo in isla maanta duhurnimadi loo tarxiilay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayagoo ey qaaday diyaarad gaar ah. Khalid AL-Mishri ayaa sheegay in siideynta ragaan ka titsan Xamaas ey door ku lahaayeen Sirdoonada dalalka Libiya iyo Turkiga loona masaafuriyo dalka Turkiga,waxa uuna Khalid Al-Mishri xusay iney qabileen sarakiil fara badan oo Turki ah. Ila wareedyo ka tirsan Xarakada Xamaas ayaa sidoo kale Wargayska “Arabicpost” u xaqiijiyey in sii deynta Maxaabiistan ku timid go’aan ka soo baxay Maxkamada sare ee dalka Libiya oo lagu hakiyey fulinta xukunadii xabsiyada ahaay ee lagu riday afarta Maxbuus kana tirsan Xarakada Xamaas kuwaaso ku xirnaay xabsiga”AL-Radac”kuna dhaw Mucaytayqah kuna taalo caasimadda Tripoli.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

GAZA: 100-QOFOOD OO DHIMASHA AH MAANTA KALIYA.

Next
Next

CABSI SOO FOOD SAARTAY MARAAKIIBTA MARTA BIYAHA…