CABSI SOO FOOD SAARTAY MARAAKIIBTA MARTA BIYAHA…

(SAWIRKA)-GALAXY LEADER OO LAGU HAYSTO YEMAN.

(YEMAN)-Shirkada ka shaqeysa Maraakiibta qaada Xamuulka ee ZIM ayaa 28/11/23-ka ayaa amartay in Maraakiibta laga weeciyo marinka badda ee la weeraray kuna yaalo Badda Cas iyo Badda Carbeed,halkaaso Maraakiibta ka timaado Asiya una sii gudubaan Isra’iil iyo Yurub ey ku wajahi karaan dhibaatooyin. Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Waaxda soo dejinta ayaa sheegay iney tani la macna tahay dib u dhigista Maraakiibta iyo Waqtiga keenista badeecadda oo gaarayso inta u dhexeyso 30 ilaa 50 maalmood taaso ku xiran wadanka ey badeecadda ka timid iyo halka ey ku socoto sidaas waxaa daabacay Wesite-ka laga leeyahay dalka Isra’iil ee Ynet. Waxyaabaha laga keeno Bariga aad bay u kala duwan yihiin,waxaane ka mid ah alaabadda korontada iyo waxyaabaha ku shaqeeyo korontada,Telefoonada gacanta kumbuyuutarada iyo cuntooyinka sida Malaayga Tuna Soya dharka kabaha alaabta caruurta ku ciyaarto alaabta guryaha alaabta dib loo soo celiyo iyo wixii la mid ah. Mid ka mida dadka soo dejiyo alaabadda korontada ayaa u sheegay Ynet “Todobaadkii hore waxa aanu helnay war-bixin ka timid Warshadleyda Shiinaha iyo Kuuriya,Japan iyo shirkadaha Maraakiibta ee la shaqeeyo inuu dib u dhac ku yimid shixnadaha Korontada iyo Korontada la rabay iney yimaadaan Isra’iil todobaadyada soo socdo”

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

LIBIYA: AFAR MAXBUUS OO KA TIRSAN XAMAAS OO LA SII DAAYEY.

Next
Next

GABAR FILIMADA JISHA OO ISKA CELISAY DHALASHADA…