IOM-TA DALKA YAMAN OO KA..

QAXOOTIGA AFRIKA KA YIMID KUNA SUGAN YAMAN.

(YEMEN)-Tan iyo markii uu bilawday kacdoon ka dhacay wadamadda Carabta qaarkood eeyna ka mid tahay Yaman,dalka Yaman ma uusan heli deganaansho dhinaca amniga iyo dawladda majaraha u qabata dalka kuna soo celisa amnigii dalkaasi uu lahaay waqtigii uu dalkaasi xukumaayey AUN-Cali Cabdalla Saalax.Dalka Yaman hadda waxaa ka jiro laba xoog oo isku haayo talada dalkaasi waxa ayna kala yihiin Xuutiyiinta oo taageero ka helaayo dawladda Iraan iyo dawladda uu caalamka aqoonsan yahay oo taageero ka helayso wadamadda Khaliijka Carabta sida Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,hadaba hayadda caalamka u qaabiksan la socodka dadka muhaajiriinta ah kana tirsan Qaramada Midoobay marka la soo soo gaabiyana loo qoro(IOM) ayaa war ka soo saartay muhaajiriinta dalkaasi soo gaartay sannadkaan-2022-ka waxa eeyna hayadda sheegaty in ka badan 40,000 Muhaajiriin Afrikaan ah ineey soo gaareen dalka uu aafeeyey dagaalka ee Yaman. Tirada eey sheegtay hayadda (IOM)-ta ayaa waxa eey ka soo degeen xeebaha dalka Yaman gaar ahan kuwooda Koonfureed,haydda ayaa xustay in gUdaha dalka Yaman eey ka jirto barakac uu sababy dagaalka. Dadka Muhaajiriinta ah ayey hayadu ku sheegtay in 30% yihiin caruur iyo dumar.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

NGO-YADA YURUB IYO LIIBIYA OO..

Next
Next

DALKA ALJEERIYA OO MARTI GELIN DOONTO…