DALKA ALJEERIYA OO MARTI GELIN DOONTO…

SHIRKA JAAMICADDA CARABTA.

(ALGERIA)-Fadhiga wadamadda xubnaha ka ah Jaamicadda Carabta ayaa ah mid eey isugu yimaadaan hogaamiyeyaasha Wadamada Carabta,shirkii ugu dambeeyey ee hogaamiyeyaasha Carabta ayey ahayd in la qabto Sebtembar-2021-kii balse lama qaban sababo la xiriiro cudurka koroono fayriska COVID-19,waxaane la go’aamiyey in shirka la qabto sannakaan 2022-ka waxa uuna ka dhici doonaa dalka Aljeeriya horaanta bisha Nofembar(1 ilaa 2)-2022-ka.Waa markii labaad oo lagu qabto dalka Aljeeriya shirka Wadamadda Jaamicadda Carabta laakinse markaan waxaa jiro dhibaatooyin aad culus sababayne in dawladaha qaarkood aaney ka qeybgeli doonin,dalka Suuriya isaga waa laga saaray Ururka Jaamicadda Carabta sannadkii-2011-kii,hadaba waxaa jiro madax aan ka qeybgeli doonin shirka 33-aad ee Aljeeriya ka dhacaay horaanta bisha soo socoto ee Noofembar waxaane ka mid ah Maxamed Bin Salmaan wiilka leh dhaxaltooyada Sacuudiga, Xamad Bin Ciisa Althani boqorka Baxrayn, Haytham Bin Dhaariq Suldaan dalka Cumaan,Misheel Cawn Madaxweynaha dalka Libnan, waxaane ka qeybgeli doono dalalka kala ah{Masar,Kuweyt,Qadar,Maroko,Tunisiya,Muritaniya,Somalia,Yaman,Jabuuti,Jaziradaha Qumur,Sudan,Libiya,Urdun,Ciraaq,Imaaraatka}. Shirkaan ajandaha looga hadli doono ayaa waxaa ka mida arrinta reer Falastiin,dhibaatada Yaman iyo arrimaha dalka Suuriya oo Jaamicadda Carabta laga saaray.

ISHA WARKA SUUQ-BACAAD MEDIA.

Previous
Previous

IOM-TA DALKA YAMAN OO KA..

Next
Next

SHIRKADA DIYARADAHA QADAR OO LA DACWEYEY.