GAZA: TIRADA DHIMASHADA OO KOR U KACDAY.

(SAWIRKA)-DHAAWACYADII GAZA.

(GAZA)-Xafiiska warbaahintada ee dawladda Gaza ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii Arbacada in dhimashada dadka reer Falastiin ey kor u kacday waxa eyna gaartay ilaa 11,500-qofood dhimashadaan ayaa ka dhalatay weerarada Isra’iil oo socday muddo dhan 40-maalmood. Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee dawladda Gaza Ismaaciil AL-Thawabta oo qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in guud ahaan shuhadada ey ka mid yihiin 4,710-Cruur ah iyo 3,003-Dumar ah halka tirada dhaawaca ah ey gaartay 29-kun OO qofood kuwaaso in ka badan 70% ey yihiin Dumar iyo Caruur. Thawabta ayaa sheegay in tirada la la’ayahay ey gaareyso 3640-qofood,1770 ka mid ah waa Caruur meydadkooda laga soo qaaday dhismayaasha ey burburiyeen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil.

ISHA/QUDS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

GAZA OO LAGA CABSI QABO INEY KA DHACDO GAAJO.

Next
Next

QARAAR EY MALTA SOO GUDBISAY OO LAGA HORYIMID.