GAZA OO LAGA CABSI QABO INEY KA DHACDO GAAJO.

(SAWIRKA)-CUNTO XUMIDDA KA JIRTA MARINKA GAZA.

(NEW YORK)-Barnaamijka Cuntada adduunka ee Qaramada Midoobe(WFP) ayaa ka digay maanta oo Khamiis ah(16/11/23)-ka in Marinka Gaza dadka ku nool ey halis ugu jiraan iney u dhintaan Gaajo waayo Marinka Gaza waxaa laga la’ayahay Biyo la cabo iyo Cunto la cuno,arrintaan ayaa timid ka dib markii ey ciidamadda difaac Isra’iil ey go’doomiyeen Marinka Gaza muddo dhan afartan iyo kow maalmood oo xiriir ah. Cindy H. McCain oo ah Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobe (WFP) qoraal ey soo saartay ayey kaga hadashay in Marinka Gaza jawigiisa uu hadda gelaayo Qaboobaha,amniga Gaza oo aan sugnayn biyaha iyo cuntada oo la sii weynaayo,shacabka Gazana ey wajahayaan GAAJO.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO EDEEYEY XARAKADA XAMAAS.

Next
Next

GAZA: TIRADA DHIMASHADA OO KOR U KACDAY.