DILKA GABDHAHA OO KU SOO BATAY MASAR.
(SAWIRKA)-GABDHO REER MASAR AH OO BANAANBAXAYO.
(QAHIRA)-Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ku soo badanaayey dilal qorsheysan oo loo gaysanaayo ciidamadda DFS, dilalkaan qorsheysan ayaa waxaa qeyb ka ah gabdho da’ayar ah oo gacan saar la leh kooxda Alshabaab. Gabdhaha ayaa si bareer ah waxa ey shukaansi ugu tagaan ciidamadda DFS qeybahooda kala gedisan ka dibne waxa ey sameeyaan shirqoolki lagu dili lahaay askartaas ey shukaansiga la wadaageen,laakinse dalka Masar ayaa waxa ka jirto arrin midaas ka gedisan oo ah in dhallinyarada reer Masar dilaan gabadhii ka diida iney guursadaan. Shaqaale ka tirsan Jaamicadda Qaahira ee dalka Masar ayaa gudaha Jaamicadda waxa uu toogasho ku dilay gabar la shaqeyneysay,sidaas waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar,waane dhacdadii ugu dambaysay oo dil ah oo ka dhacda gudaha dalka Masar. “Shaqaale ka tirsan mid ka mida Kuliyadaha Jaamicadda Qahira ayaa rasaas ku riday gabar la shaqeyneysay rasaastaso gabadhii ey u geeriyootay”,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Masar. Qofka lagu tuhmaayo inuu gaystay toogashada ey u geeriyootay gabadha ayaa laga soo helay Gobolka Matruux ee dhaca galbeedka caasimadda Qaahira,waxa uuna ahaay meyd marka la soo helaayey waxaane agtiisa yiilay hubkii uu ku dilay gabadhii ey isla shaqeynayeen waxaane loo malaynaa inuu isaga is dilay. Arrintaan ayey sheegeen hayadaha amniga dalka Masar iney salka ku hayso in ninka gaystay dilka uu guur ka dalbaday gabadha uu toogtay ayadane ey ka diiday iney guursato.
ISHA/ARAB.