564-MUHAJIR OO WELI LAGU LA’AYAHAY…

(SAWIRKA)-GEN.XAFTAR OO LA OGAADAY INUU KA GANACSADO TAHRIIBKA.

(LONDON)-Bishii Juun ee sannadkan-2023-ka ayaa doon wada ugu dhawaan 750-Muhaajir kana kooban Rag,Dumar iyo Caruur ka dhaqaaqday xeebta magaaladda Tobruk ee dhacda bariga dalka Libiya ayadoo ku socoto dalka Talyaaniga. Dadka ey siday doonta ayaa u badanaay Suuriyiin,Masriyiin,Bakistaniyiin iyo Falastiiniyiin,dadkaan Muhaajiriinta ah ayaa safarkooda iyo riyadooda ahayd iney gaaraan dhul nabad ah laakinse murugada ayaa dhacday 14/6/23 ka dib markii ey degtay doontii siday dadkii Muhaajiriinta ahaay ayadoo 80-kiilomitir masaafo dhan u jirsatay xeebta Pylos ee dalka Giriiga,sida laga soo xigtay Qaramada Midoobe doonta degtay ayaa waxaa ka soo badbaaday 104-qofood,waxaane la helay 82-Meyd,waxaane maqan dad gaarayo ilaa 564-qofood kana mid ahaay dadkii saarnaay doonta degtay. Arrinta Tahriibka ee ka jirta dalka Libiya ayaa la sheegay iney ku lug leeyihiin ciidamadda Gen.Xaftar ee degan bariga Libiya iyo diyaarad gaar loo leeyahay kana hawlgasha dalka Suriya lana yiraahdo Cham Wings.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DILKA GABDHAHA OO KU SOO BATAY MASAR.

Next
Next

LIBIYA MA DEGI DOONTAA MUSTAQBALKA?