DAGAALKA DALKA SURIYA OO GALAY XAALAD ADAG.
(SAWIRKA)-DIYAARADIHII EY KA CARAREEN CIIDAMADA SURIYA.
(DIMISHIQ)-Xoogaga Mucaaradka dalka Suriya ayaa ku dhawaaqay inuu bilawday hawlgalkii ey ku hareereyn lahaayeen magaladda Caasimadda ah ee Dimishiq xilli la sheegaayo in Mucaaradku ey ku sii siqayaan baadiyaha magaaladda caasimadda ah ee Dimisihiq. Horumarkaan ey ku talaabsadeen Mucaaradka Suriya ayaa yimid ka dib markii Mucaaradka Suriya ey qabsadeen Koonfurta magaaladda Darca’a iyo Suweyda iyadoo maamulka Suriya uu sii wado inuu ciidamadiisa kala baxo guud ahaan dalka. Dagaalyahanada Mucaaradka dalka Suriya ayaa ka soo horjeedo nidaamka Darca’a jimcihii ka dib markii laga qabsaday Xama’a khamiistii iyadoo maleeshiyaad Durus-ka ee ka soo horjeedo ey sidoo kale hubka qaadeen nidaamka Suweyda ee deriska la ah. Si la mid ah Koonfurta dalka Suriya,dawladda Suriya ayaa isaga baxday Bariga Suriya,iyagoo isaga tegay magaalooyinka Deer AL-Zuur iyo Abu Kamaal iyo sidoo kale saldhiga ku yaalo Xaskah iyo Qamshili oo loo gacan geliyey xoogaga Kurdiyiinta ee Dimuqaraadiga ah ee Suriya. Si kastaba ha ahaatee, Gobolka Xomsi,Taliska iyo xulafadiisa Ruushka ayaa qaaday weeraro madaafiic ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah,waxa eyna la beegsadeen xoogaga Mucaaradka Suriya,waxaane weeraradaasi ku dhintay ugu yaraan 120-Qof sida uu sheegya TV-ga The New Arab ee taabcsan Suriya TV.
ISHA-AN.