BASHAAR ASAD OO CODSADAY KAALMO MILETERI.
(SAWIRKA)-BASHAAD ASAD IYO AL-SUDANI.
(SYRIA)-Wargayska AL-Carabi AL-Jadeed qeybtiisa Carabiga ayaa ku warantay in Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar AL-Asad uu dalbaday hub casri ah iyo suurtagalnimada in la geeyo gudaha dalka Suriya ciidamadda qalabka sida ee Ciraaq si ey gacan uga geystaan iska caabinta dagaalyahanada mucaardak ee dhawaan la wareegay gacan ku haynta dhawr magaalo oo waa weyn oo Suriya ah. Sida lagu sheegay warbixinta AL-Carabi, AL-asad shaqsi ahaan waxa uu u codsaday in la caawiyo mar uu telefoonka kula hadlay Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq. Dhankooda,dhawr Xildhibaan oo Ciraaqi ah ayaa sidoo kale si cad u beeniyey wararka sheegaayo in Baarlamaanka dalka Ciraaq uu ogolaaday in faragelin ciidan lagu sameeyo dalka Suriya si ey taageeraan nidaamka AL-asad ee ka dhana ah horumarka xoogaga mucaaradka. Khilaafkan ayaa iftiimiyey doorka Baqdaad colaadaha deriskeeda,waxa uuna banaanka soo dhigay kala qeybsanaanta ka dhex jirta siyaasadda dalka Ciraaq.
ISHA-AN.