CIIDAMADA ISRAEL OO TOOGTAY WIIL 12-JIR AH.

FALASTIIN.

(RAMALAH)-Wiil 12-jir reer Falastiin ah ayaa geeriyooday maanta oo Isniin ah ka dib markii uu toogtay askeri reer Israel ah waqti uu socday hawlgal ciidan soona bilawday dhammaadkii todobaadkii tegay,wiilkaan reer Falastiin ayaa lagu dhex dilay xero qaxooti oo ku taalo Daanta Galbeed eey Israel haysato,sidaas waxaa sheegay wasiirka caafimaadka Falastiin. Maxamed Samoudi oo 12-jir ah ayey dileen ciidamadda Israel waxa eeyna Maxamed ka toogteen Caloosha maalintii Sabtida ee la soo dhaafay ayagoo hawlgal ka wada xerada qaxootiga reer Falastiin ee Jiniin.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

15-TAHRIBAYAAL AH OO LAGU GUBAY DALKA LIIBIYA.

Next
Next

WEERAR KA DHACAY BARIGA QUDUS.