15-TAHRIBAYAAL AH OO LAGU GUBAY DALKA LIIBIYA.

SABRAATA-LIIBIYA.

(LIIBIYA)-Shan iyo toban Muhaajiriin aan sharci ahayn ayaa lagu dilay dalka Liibiya waxaane dadkaan dilay dadkii tahriibinaayey magaaladda Sabraata ee dhacda galbeedka dalkaasi Liibiya sida eey sheegeen hayadaha aan dawliga ahayn ee NGO-ga ee ka hawlgala dalka Liibiya maalintii Sabtida ee ina soo dhaaftay. Axmed Xamsa oo ah madax golaha qaran ee xuquuqul insaanka ee dalka Liibiya ayaa sheegay in Muhaajiriinta aan sharciga ahayn la dilay ka dib markii uu muran soo kala dhexgalay kuwii iyaga tahriibinaayey waxaane la gubay doontii lagu tahriibin lahaay,Muhaajiriinta la dilay ayaa waxa eey ka kala yimaadeen dalal kala duwan. Dadka Muhaajiriinta ah ayaa qaarkood waxaa lagu gubay doonta kuwa kalane waxaa meydadkooda laga soo helay xeebta Sabraata,Safiirada Maraykanka,Ingiriiska iyo Qaramada u joogo dalka Liibiya ayaa ku baaqay in baaris lagu sameeyo sababta eey u dhinteen dadkaan Muhaajiriinta ah ee meydadkooda laga soo helay xeebta Sbaraata.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DAACISH LAGU DILAY SUURIYA.

Next
Next

CIIDAMADA ISRAEL OO TOOGTAY WIIL 12-JIR AH.