ZAMBIYA OO QABATYA DIYAARAD SIDAY…
(SAWIRKA)-GAROONKA CAALAMIGA AH EE KENNETH KAUNDA-ZAMBIA.
(QAHIRA)-Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada looga hadlaayey arrin ku saabsan diyaarad lagu qabtay caasimadda dalka Zambiya ee Lusaaka,arrintaan ayaa waxaa ka hadlay warbaahin fara badan oo caalamka ah,hadaba xildhibaanad Amal C/xamiid ayaa tiri”Xukuumada dalka Zambiya ayaa sheegtay iney qabatay diyaarad gaar ah taaso siday $5.6-milyan oo doolarka Maraykanka ah isla markaasne Kaash ah,602-cad oo Dahab ah kuwaaso miisaankoodu yahay 127.2Kgs ah,shan Bistooladood iyo 126-xabadood”. Xildhibaanada Amal ayaa intaas waxa ey ku dartay in xukuumada Zambia ey xirtay 10-qofood eyna ka mid yihiin dad u dhashay dalka Zambiya,lix Masaari ah,hal Holland ah,hal Isbayn ah iyo hal qof oo u dhashay dalka Latvia,waxaane kuligood hadda ku socdo baaritaano.
ISHA/AN.