YAA KU GUULAYSAN DOONO KUBADDA DAHABKA AH SANNADKAAN 2021-KA.
(PARIS):Majaladda ka hadasho cayaarta kubadda cagta ee dalka Faransiiska ayaa soo saartay magacyadda cayaartooyda u sharaxan ineey ku guulaystaan KUBADDA DAHABKA AH sannadka 2021-ka,cayaartooyda lagu xusay magacyadooda majaladda Faransiiska ayaa waxaa ka mida Lione Messi oo ku guulaystay lix jeer,Cristiano Ronaldo oo ku guulaystay shan jeer iyo Roberto Lewandoweski oo isna ka mida sodonka cayaartooy ee xustay majaladda faransiiska. Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ee dalka Ingiiska ayaa tiiba shan cayaartooy ku leh liiska u tartamayaasha kubadda dahabka ah sannadka 2021-ka,abaamarintaan ayaa waxa eey ka dhici doontaa magaaladda Paris caasimadda dalka Faransiiska taariikhdu markay tahay 29/11/2021-ka.XIGASHO ANADOLU.