35-SANO KA HOR NIN GAYSTAY AFDUUB OO GEERIYOODAY.

LSNQAJI4VNHRZC6RDUZVDCQ2UE.jpeg

(BEIRUT):Cali Catwa waxa uu ahaay sarkaal sare kana tirsan ururka Xisbullaahi ee dalka Libnaan,Cali ayaa ahaay nin eey doon doonaysay FBI-da dalka Maraykanka oo waxa uu ka mid ahaay dad loo haysto ineey afduubeen diyaarad laga leeyahay dalka Maraykanka sannadkii 1985-tii,Cali ayey kooxdiisa Xisbullaahi sheegtay maanta oo Axad ah(10/10/2021)-ka inuu geeriyooday.FBI-da dalka Maraykanka ayaa Cali ku dartay liiska dadka eey baadi goobayso sannadkii 2001-dii isaga iyo laba kale oo lagu tuhmaayo ineey qeyb ka haayeen afduubkii loo geystay diyaaraddii TWA ee dalka Maraykanka duulimaadka 847 sannadkii 1985-tii,afduubka diyaaradda ayaa waxa uu ka soo bilawday magaaladda Athens ee dalka Giriiga14-Juun-1985-kii waxa uuna soo afjarmay 30-Ji-un-1985-kii,inta uu socday afduubka ayaa waxaa la dilay askeri Maraykan ah kana tirsanaay ciidamadda badda,sababta loo sameeyey afduubka ayaa lagu sheegay in afduubayashu dalbadeen in loo sii daayo dad uga xiran dalka Israa’iil kuwaso u kala dhashay Libnaan iyo Falastiin,ragaan la radainaayey ayey FBI-da dul dhigtay madaxooda shan milyan oo doolar($5,000,000).XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

YAA KU GUULAYSAN DOONO KUBADDA DAHABKA AH SANNADKAAN 2021-KA.

Next
Next

S/GAAS AXMED NAASIR MA NOQON DOONAA MADAX INTERPOL?