XUUTIYIINTA YAMAN OO DIGAY TURKIGA.

20190922_2_38336427_47805215.jpeg

Sida uu qoraya wargayska MIDDLE EAST MONITOR golaha sare ee siyaasadda Yaman gaar ahaan golaha fulinta ee Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay magaaladda Sanca ayaa u digay dalka Turkiga una sheegay”Haddii Turkigu sameeyo faragelin lid ku ah dalka yaman,turkigu waxa uu noqon doonaa midaan nooga wanaagsanayn Sacuudiga,waxayna taas noqon doontaa miduu Maraykanku ku kaalmaynaayo dagaalka Yaman tan iyo sannadkii 2015-kii”,arrintaan ayaa timid ka dib markii dalka Turkiga uu dekadda Muqdisho ka soo dejiyey laba boqol baabuur oo kuwa adagaalka ah lana rabo in la gaarsiiyo dalka Yaman uu ka socdo dagaal u dhexeeyo Xuutiyiinta oo garab ka helaayo dalka Iiraan iyo dawladda la aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo C/rabu Mansuur Haadi,waxaane dalka Yaman ka jiro kooxo hubaysan oo si aada u kala fikir duwan tusaale ahaan reer koofurka waxa eey rabaan ineey ka go’aan reer waqooyiga ee la midoobeen 22/5/1990-kii,waxaa kaloo jiro koox uu tababaray Imaaraatka si heer sara ahna u hubaysan lana yiraahdo Xizaam al amni kana hawlgala magaalooyinka ku yaalo koonfurta,waxaa kaloo jiro kooxo raacsan xukuumadda C/rabu ahne islaamiyiin horayne u lahaay xisbi la yiraahdo TAJAMUC AL-YAMANI LIL ISLAAX xisbigaan ayaa leh ciidamo fara badan kana soo dagaalamay dalka Afgaanistaan waqtighii laga saarayey shuuciyadda,kooxdaan ayaa hadda waxa eey ka dagaalamaan goboladda Ticis,Shabwa iyo Ma’arib,mabda’a kooxdaan ayaa ah IKHWAANUL MUSLIMIIN waana tan keentay in Turkigu soo farageliyo arrimaha Yaman isagoo taageero dhaqaale kaga helaayo dalka Qadar.Baabuurta dagaalka ee laga soo dejiyey dekadda Muqdisho ayaa ah kuwa loo wado in laga dejiyo dekadaha gobolka Shabwa eey maamulaan dagaalyahano Ikhwaan Muslimiin ah kana tirsan Xisbiga Al Islaax,sababta keentay inaan laga dejin dekadda Cadan ayaa lagu sheegay in Imaaraatku maamulo dekadda suuragalne ma aha in qalab laga keenay Turkiga laga soo dejiyo bal dekadaha kale maamulaan imaaratka.XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

XAQIIQADDA XUKUUMADAHA WUXUUSHTA AH EE KA JIRO ERTREA IYO ETHIOPIA.

Next
Next

GOBOLKA TIGRAAY OO LA OGAADAY INUU KA JIRO ISIR SOOC.