XULKA SENIGAL OO KU GULAYSTAY…

XULKA SENIGAL EE U17.

(ALGERIA)-Dalka Aljeeriya ayaa shalay oo Jimca ahayd waxaa lagu soo gabgabeeyey tartankii koobka qaranada kubadda cagta ee cayaartoyda ey da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano(U17),tartankaan ayaa soo bilawday 29/4/23-ka waxaan la soo gabagabeeyey 19/5/23-ka,waxaa tartankaan ka qeybgalay 12-kooxood loona qeybiyey seddex wareeg(A,B&C),kulankii Semi Final-ka ayaa waxaa isugu soo haray afar kooxood kalana ah Senigal,Marooko,Burkino Faso iyo Maali. Kulankii kama dambaysta ahaay ayaa waxaa isugu soo haray kooxaha Senigal Vs Marooko,kulanka qeybtiisa hore ayaa lagu kala nastay(1-0) ey ku hogaaminaysay kooxda Marooko,daqiiqadii 80-aad ee cayaarta qeybteedii labaad ayey kooxda Senigal loo dhigay RIgoore ka dib markii VAR-ta laga arkay difaaca Marooko oo kubadda gacanta ku qabtay,seddex daqiiqo ka dib kuna beegneed Daqiiqadii 83-aad ayaa kooxda Marooko laga dhaliyey goolkii labaad ee cayaarta ka dhashay waxa eyna cayaart ku soo dhammaatay (2-1) waxaane sidaas horyaalka U17 noqday xulka dalka Senigaal.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

RUUSHKA OO OBAMA KA MAMNUUCAY…

Next
Next

CIRAAQ OO SOOMAALIYA KA CAFISAY 67%…