CIRAAQ OO SOOMAALIYA KA CAFISAY 67%…

MADAXDA URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(JIDDAH)-Magaaladda Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey kal fadhigii 32-aad ee wadamada Xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta,shirkaan kii ka horeeyey ee 31-aad ayaa waxaa lagu qabtay dalka Aljeeriya sannadkii la soo dhaafay bishiisii seddexaad,shirkaas ayaa waxa uu ka dhacay caasimadda Aljeris ee dalka Aljeriya. Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay (1)-Amiirka Qadar Sheekh Al-Tamiim, (2)-Dhaxal Sugaha Kuweyt-Mashcal Axmed Al-Sabax, (3)-Amiir Rashiid Al-Xasan Al-Thani Marooko, (4)-Boqorka Dalka Urdun Cabdallah, (5)-Boqorka Baxrayn Xamad Bin Ciisa Al-khalifa, (6)-MW-Masar C/fatax Al-Sisi, (7)-MW-Falastiin Maxamud Cabaas, (8)-MW-Tunisiya Qeys Al-Saciidi, (9)-MW-Muritaniya Maxamed Walde Al-sheekh, (10)-MW-Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, (11)-MW-Jabuti Ismaaciil Cumar Geele, (12)-MW-ne ku xigeenka Imaaraatka Carabta Sheeekh Mansuur Bin Zayid, (13)-Madaxa Golaha sare ee Libiya Maxamed Yoonis, (14)-Madaxa Golaha Yeman Rashaad Al-Culeymi, (15)-RW-Libnaan Najiib Miiqaati, (16)-RW-Aljeeriya Eyman Bin C/raxman, (17)-RW-Ciraaq Maxamed Shaayac Al-Sudani, (18)-Rw-Sacuudiga Maxamed Bin salmaan, (19)-RW-ku xigeenka Cumaan-Ascad Bin dhaariq, (20)-MW-Suuriya Bashaar Al-Asad. MW-Xasan Sheekh oo ka hadlay shirka ayaa sheegay afar qodob oo muhiim u ah dalka Soomaaliya,(1)-Dagaalka kooxda Alshabaab, (2)-La wareegidda Amniga Soomaaliya ee ciidamada Soomaaliya, (3)-Deyn Cafinta Soomaaliya, iyo (4)-Xasilinta Siyaasadda dalka Soomaaliya waxaa kaloo shirka inta uu socday wada kulmay MW-Xasan Sheekh iyo RW-Suudaaniga dalka Ciraaq waxa ey si wadajir ah u sheegeen in dalka Ciraaq uu Soomaaliya ka cafiyey deyntii uu ku lahaay 67%. Kal fadhiga 33-aad ee Ururka Jaamicadda Carabta ayaa la go’aamiyey in lagu qabto dalka Boqortooyadda Baxreyn bisha Maarso-2024-ka.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

XULKA SENIGAL OO KU GULAYSTAY…

Next
Next

SOMALIA OO LOO OGOLADAY DEYN CUSUB.